Ciidamada dowladda oo sheegay inay howlgal ku dileen xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab

0

(Gamboole) 09 Maarso 2019 – Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo ajaanib ah oo loo maleynayo inay Maraykan yihiin ay dileen afar xubnood ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, markii ay howl-gal wada jir ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Shableellada Dhexe.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA, Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay kasoo abaabuli jireen sida la sheegay qaraxyada lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah.

Weerarkan ay sida wada jirka ah u fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa shiseeye ayaysan jirin wax qasaara ah oo kasoo gaaray Dadka degaanka ku dhaqan, sida ay sheegeeyaan wararku.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankooda xaqiijiyay jirintaanka weerarkaasi hase ahaatee kama aysan hadlin qasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarkaan.

Hadalsame Media