Yaa HORMOOD ka ah ”isbeddelka nabadeed” ee Geeska Afrika?!

0

(Hadalsame) 08 Maarso 2019 – In kastoo siyasadda  geeska Afrika ay noqotay  mid  ku salaysan is marxabbayn  iyo is cafin, haddana waxaad moddaa  in natiijadaas  inteeda badan  ay soo bilowdeen muddo yar  uun ka hor qiyaastiina ah saddexdii sano ee la soo dhaafay

Saddexdan  sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa inta badan hoggaamada dhowr waddan oo afrika ah qabtay oo la wereegay siyaasiyiin aan ahayn kuwii muddada soo  fadhiya  iyo weliba Madax aad mooddo in ay ka simanyihiin midaynta shacbiyaddooda iyo danaha Afrika.

Siyaasadda geeska afrika ayaa  inta badan waxaa ka taagnaa xiisad Collaado iyo nacayb sal-dhigtay, tan oo timi  kolkii waddamadaas ay soo mareen dagaallo derisnimo.

Hayaanka nabaddeed ee geeska waxaa inta badan guntiga u xidhtay madaxdii cusbayd, kuwaas oo in badan miiska keenay hishiisyo loo malaynaayay cid kasta oo ku hammidaa in ay tahay cid wakhtiga uun iska luminaysa, balse uugu dambayn waxaa meesha ka baxay collaado iyo nacayb qaan-gaadh ahaa ku waas oo ay adkayd xal u helistoodu.

Go’aankii la yaabka ahaa ayaa ahaa kii heshiiska iyo wallaaltinimada beeray ee dhex maray “Ethiopia iyo Eritrea” kuwaas oo halmar fingillada loo siibay cadaawaddii rukumaysatay ee gaadhsiisnayd heer aaysan ciidamada habeen kala qaadin, xaalladduuna ay ahayd wadnaha farta ku hay uun.

Waxa intaas wixii ka dambeeyay tusbax furmay noqday is cafintii iyo midowgii waddamada geeska iyada oo maalinba meesha laga saaraayo dhibic kasta oo nacayb ah oo soo kala dhex gasha geeska Afrika

Hurmuudka bilowga sahanka khayraysan ee qaradda waxaad mooddaa in inta badan ay haggaanka  hayaan labada masuul ee ugu sarreeya Soomaaliya iyo Ethiopia, inta kalena ay noqdeen kuwo ku tageera dhammaan hishiisyadii maslaxaddeed ee ay soo  jeediyeen Farmaajo iyo Abiy.

Aan dib is u jalleecnee bilowgii hoshiiska Ethiopia iyo Eritrea ayaa ahaa kii  noqday lama filaan kaas oo hal mar sida  fallaadhaha cadcedda ka muuqday Geeska Afrika ee xudduudkiisu ahaa lama galaan xabbadi ka yeedhto uun,

Dr. Abiy oo hore  u ballan qaaday in uu is beddel  ku sameeyo siyaasadda xidhxidhan ee waddankiisa ayaa jaanta la helay Farmaajo oo isna markaas ahaa hoggaan ku soo biiray geeska oo aad  mooddo in uu beddelaayo  magaci soomalida dagaalka qabatintay uun, uuna beddelaayo samaalidii nabadda hoggaanka u ahayd.

Sahankii nabadda ee farmaajo waxa uu suurto-geliyay in uu gacanta isu qabto  hagoomiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea, waxaa xusid mudan in Abiy uu hore uugu diyaarsanaa wada hadallada nabadda  taas  oo uu hore  u ballan-qaaday, farmaajo oo arrintan gacan ka geystay ayaa miiska maslaxadda  dib uugu soo celiyay madaxweyanaha Eritrea Afwarki.

Heshiiskii gacanta la wada geliyay ayaa sababay in ay si buuxda u midoobaan waddamada  geeska oo muddo loo arkaayay in ay yihiin kuwo siyaasaddoodu boqno-gooys ahayd.

Iyada oo ay jaanta  isla heleen saddexda dal ee Soomaliya, Ethiopia iyo Eritrea Lagana dareemay xulafaysi xoogleh ayaa waxaa soo baxay xurguf siyasaddeed  oo ka qaraxday  kenya iyo soomaliya, murankeeduna uu ahaa mid salka ku haya dhul-baddeed.

Xurguftan siyasadded ayaa gaadhtay heer kenya ay dhammaan wiiqdo xidhiidhkii siyaasaddeed ee kala dhexeeyay soomaliya, heerna ay gaadhtay in ay saarto safiirkii soomaliya ee fadhiyay Nairobi una yeedhato keedii fadhiyay muqdisho.

Xisaddan oo marnama aysan dani uugu jirin hayaanka  nabadda geeska ayaa noqotay mid saamayn ku yeelata safarkii  geeddiga is beddelka horumarka  ee ka furmay geeska.

Isu jawaabid iyo  haddallo adag ee hawada  la isu mariyay inta badanna aad mooddo in ay kenya gaadhtay heer aysan waxba tixgelin, ugu dambayn waxaa hawshan gacanta soo  geliyay sida aynu ognahay Dr. Abiy  oo horay isna miiska  wada hadalka uu Farmaajo  u soo  fadhiisiyay Afwerki

Haddaba “Nin  ku qabta yaa adna qabtaa e” Abiy  waxa uu si buuxda madaxweyne Farmaajo uuga  dalbaday in xidhiidhka labada waddan dib loo mideeyo, walow ay Soomaliya markasta  arrintan diyaar u ahayd, meelna saartay kiiska badda  oo faraha ay uuga qadday maxkamadda aduunka sidii ay hore u sheegtay  iyo  weliba sida ay qoreen war-sidayaasha gudaha waddanka kenya.

Waxaa guul ku dhammaaday la islana  meel-dhigay xal u helista khilaafkii xidhiidh ee labada dal, tanna waxay sii  xaadhtay jidkii loo hayay  hayaanka geeddiga is beddelka geeska.

Hayaanka  ka curtay geeska waa mid ay hormuud  u yihiin Abiy iyo Farmaajo oo aad mooddo in laabduba ay gacmaha  isu haystaan sidii ay waddamadooda  uuga beddelilahayeen magacyada iyo weliba sidii ay iyagu ku kasbanlahaayeen magacyo ma-guurto ah, weliba waxaa macquul ah in ay abaal marinno ku mutaystaan hayaanka geeska ee ay hurmuud ka  u yihiin.

Isbeddelka geesku waa mid soconaaya, malinba maalinta ka dambaysana helayaa niyad wanaag cusub.

Geeska Africa ayaa noqonaya meesha saxda ah ee laga  hago qaaraddan cagaaran, Ugu yaraan Abi iyo farmaajona waxay hannaan doonnaan magacyo iyo qaddarin qiimo badan.

Adduunkani waa kii wanaagga  iyo nabadda, Afrikadanina waa tii u baahnayd nabadayntan iyo  is-kaashiga.

Waxaa Qoray: Cumar Rodol
[email protected]

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments