XOG: Khayrre oo ka baaqday booqasho uu Kismaayo ku tegi lahaa (Sababta?)

0

(Muqdisho) 08 Maarso 2019 – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegayaa inay dhici karto inuu baajiyo safar la hadal hayey in uu berritoole oo Sabti ah uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo, sida laga helay ilo ku dhow dhow xafiiskiisa oo uu soo xigtey Caasimada Online.

Sababta uu Kheyre safarkiisa u baajiyey ayaa lala xiriiriyey tacsida iyo ka qeyb-galka aas qaran oo berri Muqdisho loogu sameynayo wasiirkii dastuurka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai.

Kheyre ayaa Kismaayo u tagaya wada hadallo ay dowladda dhexe ay la yeelaneyso Axmed Madoobe oo la filayo in ay is afgartaan kaddib khilaaf muddo soo jiitamayay.

Wasiirkii hore ee Dastuurka Somalia, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa si faj’a ah maanta gelinkii hore ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu xanuun kusoo boodey, jeer uu halkaa u tegey arooska gabadhiisa.

Khayrre ayay u badan tahay inuu aaska kaddib u amba boxo magaalada Kismaayo, waloow aan waqti cayiman weli taa laga haynin.

Hadalsame Media