RASMI: Maareeyihii Ciyaaraha AS Roma oo xilkii ka rukhsaystay

0

(Roma) 08 Maarso 2019 – Kooxda AS Roma ayaa ku dhawaaqday inuu kooxdaasi ka tegey Maareeyihii Ciyaaraha ee Ramon Rodriguez Verdejo Monchi isagoo ku baxay go’aan heshiis lagu yahay, sida lagu sheegay webka rasmiga ah ee kooxda.

Waxaa shalay horay loo eryey macallinkii kooxda ee Di Francisco, kaasoo lagu bedelayo Claudio Ranieri.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo Monchi oo dadaal iyo howlkarnimo muujiyey labadii sano ee tegey,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Guido Fienga.

“Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo Madaxwayne Pallotta, guddiga fulinta, shaqaalaha, laacibiinta iyo taageerayaasha. Roma waxaan u rajaynayaa nasiib wacan.” ayuu isna yiri Monchi.

50-jiekan oo Giallorossi kusoo biiray 2017 ayaa magac ku leh dhanka suuqa kala iibsiga – isagoo ah ninka soo helay Dani Alves, Ivan Rakitic iyo Seydou Keita – oo Sevilla ka caawiyey inay hanato 5 Europa League.

Roma ayaa xaqiijisay in Ricky Massara uu si rasmi ah ula wareegayo xilkii Monchi, waxaana la fahamsan yahay in Monchi uu ku biirayo kooxda Arsenal.


Hadalsame Media