DAAWO: Masjidka ugu ballaaran Turkiga oo xarigga laga jaray + Sawirro

0

(Istanbul) 08 Maarso 2018 – Waxaa magaallada Istanbul ee dalkaasi Turkiga laga furay Masjidka ugu weyn dalkaasi oo uu dhismihiisu qaatay muddo 6 sanadood ah.

Masjidkan ayaa dhismihiisa oodda laga qaaday sanadkii 2013-kii, kaasoo qaradiisu aad u wayn tahay, isla markaana astaan cusub u noqon kara magaaladan taariikhiga ah ee Istanbul.

Masjidkan ayaa lagu magacaabaa masjidkan Çamlıca, waxaana laga dhisay Turkiga qaybta ka tirsan qaaradda wayn ee Aaasiya, waxaaana durba lagu oogey salaadihii ugu horreeyay.

Masjidkan ayaa leh 6 minaaradood oo dhaadheer oo ay mid waliba u taagan tahay ama astaan u tahay dagaalladii dalkaasi soo maray.

Waxaa ka daran tirada dadka ku dukan kara masjidkan oo ay halkii mar salaad ku xiran karaan 63,000 oo qof oo musalli, iyadoo gudihiisana ay ku dhex yaallaan waxyaabo ay ka mid yihiin hoolal shirarka lagu qabto, makhaayado, meelo ay carruurtu ku ciyaaraan waxna ku bartaan iyo mutxaf.

Hadalsame Media