”Alloow ay dayuuraddu nala dhacdaa!” – Nin inkaar darteed looga reebay duullimaad uu raaci lahaa

0

(Islamabad) 08 Maarso 2019 – Nin ayaa laga reebay dayuurad uu raaci lahaa oo u socotey magaalada Dubai kaddib markii uu bilaabay inkaar uu Alle uga ”baryayo inay dayuuraddu dhacdo”, kahor inta aanay kasoo duulin Dalka Pakistan.

Ninkan oo ay la keceen ciidamada booliiska oo loogu yeerey, ayaa magaciisa lagu sheegay Khaliil wuxuuna u duuli lahaa Australia isagoo sii mari lahaa magaalada Dubai wuxuuna dayuuradda kasoo raacayay Islamabad.

Balse duuliyihii dayuuradda ayaa dawanka dayuuradda yeeriyay, markii ay amaanku yimaadeenna wuxuu ku wargeliyay in ninkani uu ‘inkaar ku balbaliyey rakaabkii, waxaana la isla gartay in duullimaadka laga reebo.

Bishii Nofeembar ee sanadkii tegey, nin kale oo Pakistani ah ayaa boorsooyinkiisii dab ku qabadsiiyey isla garoonka Islamabad kaddib markii uu qaadan waayay in la baajiyay duullimaadkiisii oo cimilo xumo loo hakiyey.

Hadalsame Media