YAAB: Gawaarida is wada oo la sheegay inay ”MIDAB-TAKOOR” yaqaannaan!! (Daraasad cusub oo arrin yaab leh heshay)

0

(Georgia, GA) 07 Maarso 2019 – Liiska dhibaatooyinka laga sheeganayo gawaarida is kexeeya ee bilaa wadaha ah ayaa sii dheeraaday kaddib markii ay soo baxday inay gaariyada noocan ihi ay ku dhaqmaan ”mibad kala sooc!”.

Waxaa intaa dheer, dood awalba ka joogtey ilaa iyo inta amaan ahaan la isku halleeyn karo marka ay timaado la macaamilidda xaaladaha murugsan iyo mararka loo baahan yahay in la qaato jiheeye akhlaaqi ah sida tusaale ahaan inaad gaariga ka duwdo 6 qof balse aad dardarto hal qof si aad u dhinto khatarta waxyeellada.

Yeelkeede, haatan waxaa liiska soo galay midabka, iyadoo la sheegayo in gaarigani aanu si saaxi ah u arki karin dadka madowga ah marka la barbardhigo caddaanka, sidaa darteed, ay tahay inaad iska jirto.

Sida ku cad daraasad cusub kaoo soo baxday Mac’hadka Tiknolojiyadda Georgia Institute of Technology, gawaarida bilaa wadaha ah ee iskood u socda waxaa loo barnaamijeeyay qaab ay caddaanka u arki karaan si ka badan madowga.

Khubarada daraasaddan agaasintey ayaa diiradda saaray agabka uu gaarigani u adeegsado walax-aragga (object-detection), iyagoo adeegsanaya cabbirka Fitzpatrick, oo ah hannaan insaanka u abla-ableeya qaab la xiriira midabkooda.

Waxay deeto cilmi baarayaashu falanqeeyeen sida uu gaarigu u arkayo dadka midabada kala geddisan leh, iyadoo dadka loo kala saaray kuwa midab ahaan cad ama maarriinka ah iyo kuwo madowga ee qadiidka ah.

Waxaana soo baxday in 5% dhanka aragga celcelis uu araggiisu liito dhanka dadka madow marka loo eego dadka caddaanka ah ee jidka dhinac maraya ama gooynaya.

“Waxaan daraasaddan ka qaadanaynaa in si dhow dib u eegis loogu sameeyo qaab dhismeedka agabka aannu tijaabiney ee gaariga hagaya.” ayuu yiri Jamie Morgenstern, oo ka mid ah cilmi baarayaasha oo la hadlay Vox.

Hadalsame Media