XOG: Carab doonaysa inay saami ka iibsato AC Milan (Boqolleeyda ay doonayaan)

0

(Milano) 07 Maarso 2019 – Koox maalgashadayaal Carab ah ayaa sida la soo werinayo doonaya inay AC Milan ka iibsadaan saami dhan 30%.

Sida ku qoran Gazzetta dello Sport, Elliott Management oo iska leh kooxda Milan ‘waxay leeyihiin damaanad iyo awood dhaqaale’ oo ay kaligood kooxda ku maalgeliyaan.

Yeelkeede, wuxuu wargaysku sheegayaa in ganacsato Carab oo aan la carrabaabin ay ka baaraan degayaan inay maalgashadaan kooxda Rossoneri.

Heshiiskan ayaa la sheegayaa in Elliott ay noqonayso midda weli lahaanaysa saamiga aqlabiga ah (70%), balse aanay diidayn inay saami yar iibiso si loola qaybsado kharashka maalinlaha ah, iyo sidoo kale kaashka looga baahan yahay suuqa kala iibsiga.

Mid ka mid ah xubnaha qoyska maamula Dubai ayaa horay loola xiriirinayay inay saami ka iibsanayaan kooxda, gaar ahaan xilligii uu kooxda lahaa Li Yonghong.

Hadalsame Media