Oday 62 sano DHAGOOL iska dhigayay si uusan u dhegeysan xaaskiisa oo ”QAYLO miiran” ah + Sawirro

0

(Connecticut, CT) 07 Maarso 2019 – Oday kasoo jeeda Waterbury oo ku taalla gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka ayay naagtiisu furriin uga fadhisaa kaddib markii ay ogaatey inuu 62 sano dhagool iskaga dhigayay, si uusan ”qayladeeda” u dhegeysan.

Sida ay haweenaydu sheegtay, 84-jirka qaba ee Barry Dawson ayaan marna la hadlin xaaskiisa oo ah 80-jir lagu magacaabo Dorothy, tiiyoo ay wada noolaayeen in dhaafsiisan 6 toban sanaale.

Ms. Dawson ayaa xitaa baratay luuqadda suul dhabaalayska ee dhagoollada si ay odaygeeda u fahamto, balse markaa lafteeda sidaa ulamuu hadli jirin.

“Laba sanadood ayay igu qaadatay inaan barto qaabkii aan gacmaha ugala hadli lahaa, balse markii aan bartay wuxuu bilaabay inuu aragga ka sheegto. Malaha taana wuu ii jilay!” ayay tiri Ms Dawson.

Lamaanahan ayaa isu dhalay 6 carruur ah, iyagoo awoowe iyo ayeeyo u ah 13 kale, kuwaasoo ay ka wada dhaadhacsanayd inuu dhagool yahay Mr. Dawson.

“Marka uu guriga joogo wuxuu doqonkani iska dhigi jirey dhagool. Ilaa aan markii dambe Youtube ka helay isagoo makhaayad ka heesaya jeer uu ii sheegay inuu aadayo madal sadaqo ururin ah.” ayay ku qaylisay.

Qarreenka Mr. Dawson, Robert Sanchez, ayaa qiray in macmiilkiisu uu dhagool iska dhigay, balse wuxuu ku dooday inuu sidaa u yeelay “wanaagga xaaskiisa” oo uu ku tilmaamay mid u jaq-jaq badan sida shimbirka loo yaqaanno Magpie.

“Macmiilkaygu waa nin deggan oo aan war badnayn, balse xaaskiisu waa mid war badan. Haddii aanu dhagool iska dhigeen waxay kala tegi lahaayeen 60 sano kahor. Si kastaba, wuxuu u sameeyay xaaskiisa iyo qoyskiisa.” ayuu ku dooday qarreenku.

Labada dhinac ayaa haatan maxkamad isla saaran, waxayna xaasku dalbanaysaa furriin iyo magdhow laga siiyo “diiqaddii dareen iyo culayskii” ay arrintani u gaysatey, sida ay tiri.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media