Kenya oo la sheegay inay khilaafka diblomaasiyadeed ee Somalia ay ku qarinayso qalalaase gudeheeda ka jira!

0

(Nairobi) 07 Maarso 2019 – Uhuru waxaa ku furan arin culus oo dhanka gudaha ka heysata gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka oo ay isku xun yihiin.

12 Jannaayo Waxaa Jaraa’idka Kenya qoreen in ay luntay is aaminaada labada nin.

Shalay waxaa xubnaha haweenka ah ee Baarlamaanka Kenya ku eedeeyeen Ruto, madaxweyne ku xigeenka, in uu siyaasad u adeegsanayo qorshaha la dagaallanka musuqa ee madaxweynaha islamarkaana ay taageerayaashiisa kahor yimaadeen shaqada madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa madaxweynaha taageeray hoggaamiyaha mucaaradka Kenya si dadka gudaha loo khaldo, sidoo kale dowladda Kenya waxa ay wadaa talaabo kasta oo ay ku abuuri karto qas siyaasadeed oo dhanka dibada ah si ay shacabka ugu mashquuliso.

Sidoo kale saxaafadda Kenya waxa ay sheegtay in uu yaraaday xiriirkooda taleefanka oo ay iminka farriin oo kaliya ay isku diraan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media