DAAWO: ”Ilhaan Cumar waa gabar geesiyad ah oo gilgishey meel lama taabtaan ah!” – Yuhuudda Maraykanka oo taageero kala nooc ah muujisay!

0

(Washinton, DC) 07 Maarso 2019 – Qaar ka tirsan ashkhaasta iyo ururrada muuqda ee Yuhuudda ku nool Maraykanka ayaa taageero u muujiyay Ilhaan Cumar oo si siyaasadaysan loogu sawiray inay tahay ”cunsuriyad Yuhuudda isir ahaan u neceb.”

Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Sen. Bernie Sanders (I-Vt.) oo laftiisu isir ahaan Yuhuud ah ayaa aad u difaacey Ilhan Omar (D-Minn.) oo wajahaysa cadaadis iyo cambaarayn lagu tilmaamay kuwo cadaalad darro ah, kaddib markii ay dhaliishay hab-dhaqanka Israel iyo AIPAC.

“Yuhuud-nacaybku waa aragti halis ah oo ay tahay in laga hor tago, yeelkeede, waa inaynaan dhaliil sharci ah oo ka dhan ah Israel iyo kooxaha midigta ah Yuhuud-nacayb u rogin” ayuu u sheegay The Hill.

“Waxaan hadda ka baqayaa in Aqalku uu iminka wado dadaallo uu ku bartilmaameedsanayo Cumar si uu dooddaa u caburiyo. Taasi waa khalad.” ayuu raaciyay isagoo soo jeediyay in siyaasad isku mid ah lagu wajoho geeddi socodka nabadeed ee Bariga Dhexe.

Dhanka kale, ururro Yuhuud ah, oo ay ku jiraan dad bulshada ka dhex muuqda sida Naomi Klein, ayaa saxiixay warqad furan oo ay ku taageerayaan Ilhaan Cumar, oo ay sheegeen in si khaldan “loogu tiray eed ah Yuhuud-nacayb” iyagoo sheegay inaanay Yuhuud-nacayb ahayn in la iftiimiyo doorka khaldan ee ay AIPAC ka ciyaarto siyaasadda gudaha Maraykanka iyadoo u danaynaysa Israel.

Ururrada Israel u ololeeya waxay ciyaaraan door cabbirkooda ka wayn oo ay ku cayrsadaan in uu Koongaraysku Israel siiyo taageero aan kala har lahayn ayay yiraahdeen iyagoo sidoo kale dhaleeceeyay Jamciyadda Qorileeyda Maraykanka NRA oo u dooda inay shacabka Maraykanku hubaysnaadaan iyo kooxo kale oo ay sheegeen inay saamayn ”aan dimoqraadi ahayn” ku leeyihiin hay’aadka sharci dejinta Maraykanka.

Waxaan Ilhaan Cumar ugu mahad celinaynaa inay leedahay geesinnimo ay ku ruxday lama taabtaanka (taboo) Koongarayska ee dhanka dhaliisha Israel. Ka Yuhuud ahaan, kasoo horjeedda cunsuriyadda, jecelna cadaaladda, AIPAC nama metesho.” ayay yiraahdeen iyagoo Yuhuudda kale ee Maraykanka u jeediyay inay saxiixaan warqaddan.

Dhanka kale, Yuhuudda asal raaca ah ee loo yaqaanno Haredi-ga ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa booqasho ay ku tageen xafiiska ay Capitol Hill ku leedahay Ilhaan Cumar ugu muujiyay taageero aan kala har lahayn.

Firqadan oo gebi ahaanba kasoo horjeedda siyaasadda Israel iyo in gebi ahaanba la dhiso dal Israel la yiraahdo, sababo diimeed dartood, ayaa aad u taageerta qaddiyadda Falastiin oo ay sheegaan inay xaq u leeyihiin inay dhulkaa iyagu ku noolaadaan.

Waxaa soo Ururiyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media