”Waxaa lagu heshiiyay in laga wada hadlo ”ISHA MURANKA” labada dal!” – War TUHUN dhaliyay oo kasoo baxay RW Itoobiya

0

(Nairobi) 06 Maarso 2019 – MW Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay si lama filaan ah ugu duulay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasoo uu maanta xilli hore kulan aan rasmi ahayn kula qaatay dhiggiisa Kenya.

War kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in laga heshiiyay wax ay dowladda Somalia ku sheegtay ”madmadoow” soo kala dhex galay labada dal ee Kenya iyo Somalia.

Madaxtooyada Somalia ayaa carrabka ku adkaysay inaan la taabanin arrinta la xiriirta muranka ay Kenya ku sheeganayso dhul badeedka Somalia, kaasoo iminka hor yaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo ku taalla Hague.

Yeelkeede, war kasoo baxay dhanka xafiiska RW Itoobiya, Abiy Ahmed, oo labada nin isu jiidjiidey ayaa shaki hor leh abuuraya, warkan oo lasoo dhigay Twitter-kiisa rasmiga ah ayaa u qoran sidatan:

”Iyadoo la adeegsanayo hoggaanka PM Abiy Ahmed, & ayaa saaka kulmay iyagoo si qoto dheer uga xaajoodey ”ISHA muranka” labada dal. Natiijo ahaan waxay labaduba isku afgarteen in loo xagliyo dhanka nabadda iyo in la qaado tillaabooyin looga arrinsanayo arrimaha gaarka ah ee xiisadda uga daray.”


Erayga ah ka wada hadalka ”ISHA muranka” ayaa si cad ugu fasirmaysa dhul badeedka Somalia oo ay Kenya sheeganayso, maadaama aanu iminka taagnayn (immediate cause) muran kale oo sababay cayrinta danjirihii Somalia iyo hoos u dhigidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya, xitaa haddii ay labada dal istaraatiji ahaan dhul kala haystaan (general cause).

Hadalsame Media