Saxaafadda Kenya oo ka AAMUSTAY booqashada MW Somalia ee Nairobi (Arag bogagga wargaysyada)

0

(Nairobi) 06 Maarso 2019 – Waxaa booqasho aan la sii shaacinin balse aan shacbiyad badan ku dhex lahayn shacabka Soomaaliyeed shalay Nairobi ku tegey Madaxwaynaha Somalia oo halkaa u raacay dayuuradda Itoobiya, jeer uu wehlinayo RW Itoobiya ee Abiy Ahmed.

MW Somalia ayaa lagu wadaa inuu maantaba la kulmo dhiggiisa Kenya Ahuru Kenyatta oo Somalia u caddaystay dagaal diblomaasiyadeed oo lama filaan ah.

Haddaba, warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa ku dhowaad gebi ahaan iska indha tirtay inay xitaa soo hadal qaaddo inuu dalkooda joogo madaxwayne ka socda dal deris ah.

Dad badan ayaa dareensan in booqashada Madaxwaynaha Somalia iyo qaabka ay u dhacday ay sabab u tahay liidmada ay u muujinayso saxaafadda dalkaasi, isla markaana ay Somalia istaajin karto boos gorgortan oo hooseeya diblomaasiyad ahaan.

Wargaysyada waawayn ee dalkaasi sida Daily Nation, The Star, Citizen iwm ayaa iska wata sheekooyinkoodii caadiga ahaa ee dal iyo dibed sida shaqa joojinta ka socota garoonka JKIA ee duullimaadyadii hakisay, balse waxay gebi ahaanba il daaf leh ku eedeen booqashada aan dabiiciga ahayn ee MW Somalia.

Hadalsame Media