REAL & RONIE KALAMA RAYSAN: Ronaldo wuxuu Real kala tegey Taajkii iyaguna waxay kala tageen taariikhdii Yurub!

0

(Madrid) 06 Maarso 2019 – Laacibka Real Madrid khadka dhexe uga dheela ee Luka Modric ayaa qoray in kooxdaasi ay aad u tebeeyso adeeggii Cristiano Ronaldo, kahor intaanba xalay 4-1 lagu xaaqin ciyaar ay la dheeshey Ajax, waxaana kasii horreeyay guuldarro sii jeed iyo soo jeed ah oo dhanka Barca kasoo gaartey.

Jookarka reer Portuguese ayaa xagaagii 100m oo euro ka badan kula biiray kooxda Bianconeri, balse wuxuu Blancos u dhaliyey 450 gool, 9 sanadood oo uu ku sugnaa Santiago Bernabeu jeer ay iska qaad qaadday koobka kooxeed ee qarada wayn Yurub ee Champions League, balse sanadkan kooxdu waa u darsatay diraca Juventus.

“Koox kasta way tebi lahayd Ronaldo, in biddaalkiisa la helana waa mid mustaxiil ah.” ayuu Modric ku calaacalay ciyaartii Ajax ee lagu ceeboobey kahor.

“Markii uu tegey, naadigu wuxuu isku dayey inuu laacibiin kale booskiisa ku daboolo oo ay culayskiisa laacibiinta kale qaybsadaan balse ma sahlana. Ronaldo wuxuu fasalkii dhalinayay 50 gool, mana heleeysid laacib intaa dhalin kara.” ayuu daba dhigay.

Ronaldo laftiisa ayaa u muuqda mid tebey Real Madrid, waayo goolshii badnaa ee CL waa laga la’yahay sanadkan, halka ay Juve qarka u saaran tahay inay CL uga harto wareegga 16-ka haddii aysan kasoo kabanin 2-0 ay ku hoggaaminayso Atletico Madrid.

Hadalsame Media