PSG VS MAN UTD: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Paris) 06 Maarso 2019 – Kooxda Manchester United ayaa caawa ciyaar adag ku wajahaysan kooxda Paris Saint-Germain oo ay dheelayaan lugta 2-aad ee bug baxda Champions League jeer uu Ole Gunnar Solskjaer wajahayo xasarad dhaawac.

Dhanka PSG: Macallinka PSG ee Thomas Tuchel ayaa waxaa ka maqan jookarkooda Neymar Jr oo ricirrada cagta ka dhaawacmay, balse kooxdan French-ga ah ayaa caawa kusoo geli karta isla shaxdii ay kaga takhaluseen kooxda Old Trafford.

Edinson Cavani ayaa caawa la heli karaa waloow uu lugtii hore ganaax ku seegay, balse waxay u badan tahay inuu binjiga kusoo bilowdo, si ay PSG beddel ugu keento gelinka dambe ee ciyaarta.

Man Utd: Laacibiinta Ander Herrera, Jesse Lingard, Nemanja Matic, Anthony Martial, Juan Mata, Phil Jones iyo Antonio Valencia ayaa wada maqan.

United ayaa waxaa sidoo kale ka ganaaxan Paul Pogba, halka Alexis Sanchez uu maqnaanayo muddo 8 todobaad ah, isagoo ka sheeganaya jilibka.

Si kastaba kooxda Solskjaer ayaa looga fadhiyaa inay warac geddiso natiijadii tabnayd ee ciyaartii hore oo gurigooda 2-0 looga soo adkaaday.

PSG XI: Buffon, Kehrer, Kimpembe, Silva, Bernat, Alves, Di Maria, Marquinhos, Verratti, Draxler, Mbappe

Man Utd XI (4-4-2): De Gea, Young, Smalling, Lindelof, Shaw, Dalot, McTominay, Pereira, Fred, Lukaku, Rashford

Hadalsame Media