LABA WEJI: Koongrayska oo dib u dhigay qaraar si dadban loogu dhaleecayn lahaa Ilhaan Cumar (Nooca qoraalka oo lagu qaybsamay)

0

(Washington, DC) 06 Maarso 2019 – Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyad ku leeyihiin Xisbiga Dimoqraadiga ayaa dib u dhigay u codaynta qaraa duurxul ahaa oo maanta la qaban lahaa.

Codaynta oo la fahamsan yahay in lagu maagayo Ilhaan Cumar, iyadoo lagu marmarsoonayo cambaarayn la xiriirta ”Yuhuud nacayb” ayaa la isku maan dhaafay nooca ay tahay luuqadda lagu qorayo, heerka la gaarsiinayo iyo meelaha la abbaarayo.

Qaraarkan oo markii hore la isku raacsanaa in lagu ganeeyo gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar, oo mid ka ah haweenaydii ugu horreeysey ee Muslim ah ee gasha aqalka Koongarayska ayaa iminka la sheegay in woxoogaa af tirtirasho ah loo samayn doono.

Qaraarka oo markii hore la doonayay in dabuub furan iyo duurxulba loogu xuso inaan la ogolayn ”Yuhuud nacaybka” ayaa iminka la sheegayaa in sidoo kale lagu soo dari doono erayo si guudna u naqdinaya midab takoorka iyo sinji quursiga.

Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo qaxootinnimo ku tagtay Maraykanka ayaa weerarro dhowr geesood ah lagu soo qaaday, kuwaasoo ay qaarkood kaga imanayaan siyaasiyiin ay qaarkood isku xisbi yihiin iyo shacabka caadiga ah, gaar ahaan kuwa muxaafidka ah, waxaana la yaab ahayd inaan weerarka iyada saaran looga difaacin si la mid ah sidii iyada loo weeraray markii iyada lagu eedeeyay ”Yuhuud nacaybka.”

Hadalsame Media