DEG DEG: ”Kenya iyo Somalia waa ka heshiiyeen ”madmadoowgii” soo kala dhex galay!” – Villa Somalia

0

(Nairobi) 06 Maarso 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia, ajandaha wada hadalladan ayaa ku koobnaa xal u helista sida ay yiraahdeen ”mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal” ayay madaxweynayaashu ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Madaxtooyada Somalia ayaa intaa ku dartay in wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

Heshiiskan ayaa waxaa u kala dab qaaday RW Itoobiya Abiy Ahmed oo ay u mahad celisey DF Somalia.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.” ayuu u dhignaa war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Kenya iyadoo ay gebi ahaanba booqashadan hoos u dhigtay saxaafadda Kenya.

Hadalsame Media