”Cidna uga fasax qaadan mayno hubka aan iibsanayno!” – Turkiga oo jawaab kulul siiyay Maraykanka

0

(Ankara) 06 Maarso 2019 – Turkey waxaa waajib ku ah inay qaaddo tillaabooyinka daruuriga ah si ay u xaqiijiso amaankeeda qaran iyadoo ay Ankara xaq u leedahay inay hesho hannaan kasta oo difaac oo ay daruuri u aragto cidna fasax ugama baahna, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka dalkaasi Mevlüt Çavuşoğlu.

Turki ayaa warkan ugu jawaabaya Washington oo hanjabaad caato ah ah hawada usoo marisay Turkiga, iyadoo uga digaysa inay iibsadaan hanaanka casriga ah ee daafaca gantaalaha ee Ruush sameega ah ee S-400.

Çavuşoğlu ayaa sheegay in Turkigu ay marar badan holliyeen inay hannaanka daafaca gantaalaha ka iibsadaan dalalka ay ologga Yihiin (Maraykanka), balse mar kasta la diidayay dalabka Ankara.

“Haddii aanad diyaar u ahayn inaad naga iibisid, ma hor istaagi kartid haddii ay Ankara guddoonsato inay gantaalahaa kasoo gadato dalal ka baxsan NATO,” ayuu ku garramay wasiirku.

Warka Çavuşoğlu ayaa imanaya maalin uun kaddib markii uu Jeneraal Maraykan ah oo Yurub ku sugan iyo Wasaaradda Dibedda Maraykanku ay ku gooddiyeen in Turkiga laga saari doono barnaamijka iibsiga dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee F-35, haddii ay Ankara soo iibsato hannaanka S-400 oo ah hannaan daafac oo dhul-ka-cir ah.

Maraykanka ayaa Turkiga kula dhaqmaya siyaasad ah ”riibi geed ma daaqo lagamana daaqo” maadaama uu horay ugu diidey inuu ka iibiyo hannaanka daafaca gantaalaha ee Patriot, isagoon misna u ogolayn inuu iibsado gantaalaha kuwaa u dhigma amaba ka fiican ee S-400.

“Gantaalaha S-400 waannu kula heshiinney Ruushka, marna dib uga noqosho ma jirto. Marka ay timaado gantaalaha Patriot waan u furannahay inaan iibsanno, waase haddii ay u adeegayaan danaha dalkeenna,” ayuu Febraayo yiri Erdoğan.

Hadalsame Media