XOG: Juventus oo xagaaga bartilmaameedsanaysa Pep Guardiola (Wada hadallo bilaabmay)

0

(Torino) 05 Maarso 2019 – Macallinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sida lasoo werinayo noqday ‘macallinka ay ku riyoonayso’ kooxda Juventus.

Sida ku qoran Sport Mediaset, Guardiola ayaa ah macallinkii ugu dambeeyay ee lala xiriirinayo kooxda Juve jeer ay u muuqato in aan Max Allegri sii ahaan doonin macallinka kooxdaasi fasalka xiga.

Warqaadkan ayaa qoraya in helista Catalan-kani ay dhib badan tahay, balse ‘ay wax kasta dhici karaan xilli kasta’ isagoo ah ninka ay ku riyoonayso kooxda Bianconeri oo aan kubad qurxoon haatan ciyaarin.

Waxaa kale oo warkan sii xoojinaya wakiilka macallinka oo sidoo kale isaga la dhashay oo lagu arkay magaalada Torino, wuxuuna wargaysku intaa raacinayaa in durba la furay hilinnada wada hadalka, isla markaana uu wakiilka Pere uu Milano kula qadeeyay rag ka socda Old Lady.

Macallinkan 48-jirka ah ayaa qaaday horyaallada Spain, Germany iyo England, jeer uu laylinayay Barcelona, Bayern Munich iyo Man City, isagoo 2 Champions Leagues iyo koobab kale hantay, la yaabna ma aha inuu isku dayo hardan cusub iyo horyaalka Serie A oo uu horay uga ciyaari jirey.

Hadalsame Media