Wax ka ogow safarka Madaxwayne Farmaajo ee Magaalada Addis Ababa

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2019Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imanaya xili magaalada Asmara Axadii toddobaadkan kulan saddex geesood ah ku yeesheen madaxda dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo  Eritrea.

Loolanka Siyaasadeed ee xilligaan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay ayeey u muuqataa dowladda Soomaaliya in ay shaki ka qabto socdaalka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku marayo wadamada gobolka, waana sababtaas mida ugu weyn ee Madaxwayne Farmaajou tagayo Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay ka wada hadli doonaan xiriirkii wadamada Geeska Africa oo Soomaaliya ay qayb muhiim ah ka tahay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Hadalsame Media