SAWIRRO: Ciidamada Kenya oo bilaabay tillaabooyin ay ku wiiqayaan amaanka Somalia (Saldhig ay uga bexeen qaab foowdo ah)

0

(Fafaxdhuun) 05 Maarso 2019 – Sidii aannu shalayba sii sheegnay Kenya ayaa durba bilowday, kuna tala jirta tillaabooyin ay ku mija xaabinayso amaanka meelaha yar ee ay ka joogto Somalia.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay tillaabooyin ay ku dhiirri gelinayaan kooxda Al-Shabaab iyagoo ka guurey saldhig ay ku lahaayeen degaanka Faxfaxdhuun oo ay ku sugnaayeen muddo ku dhow 10 sannadood.

Kooxda Shabaab oo goobta markiiba la wareegtey ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya xeradaasi oo ay ka bexeen 2-dii bishan.

Ciidamada KDF ayaa ka baxay xerada iyagoo aan ku wareejin ciidamo Soomaaliyeed, isla markaana aan buburin, balse taa biddaalkeeda waxay uga tageen sideedii iyo weliba qaar ka mid ah agabkoodii, sida foostooyinka shidaalka waloow aan la xaqiijin karin inay cabbaysan yihiin iyo in kale.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee Gedo ku sugnaa ay haatan ku hareen oo kaliya degaanka Buusaar.

Ciidamada Xoogga Kenya ee KDF ayaa dhowr mar tacaddiyo ka gaystey meelaha ay ka joogaan Jubbooyinka iyo Gedo sida duqaymo wadareed iyo burburinta kaabayaasha sida anteenooyinka isgaarsiinta Soomaalida iwm.

Waxaa kale oo lagu dhaliilaa inaysan dhexdhexaad ka ahayn siyaasadda Somalia, iyagoo sidoo kale ku lug yeeshay ganacsiyo sharci darro ah sida dhoofinta dhuxusha iyo badeecooyin koontarobaan ah sida sonkorta iyo inay iska qaataan dakhliga dekedda Kismaayo.

DF Somalia ayay la gudboon tahay inay go’aan cad ka qaadato hab-dhaqanka Kenya oo ay marar badan indhaha ka qarsatay falalka soo noqnoqonaya ee aanay xifadda iyo xeerintu ka muuqan ee ay ku dhaqmayso.

Hadalsame Media