Madaxwaynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa + Sawirro

0

(Addis Ababa) 05 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku tagay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya islamarkaana ah xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Cabbeey Axmed.

Madaxwayne Farmaajo oo saakay safar uga baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in kulamo gaar ah uu la yeesho RW Itoobiya waxayna ka wadahadli doonaan arrimo dani ugu jirto labada dowladood.

Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay warbaainta qaranka ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga uu ugu horeeyo, kulankana waxuu daba socdaa kulamadii hore ay u yeesheen”.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.