FAALLO: Akhri 5 qodob oo ay ku KHALDAN tahay booqashada MW Somalia ee Kenya

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2019 – Villa Somalia ayaa goor dhowayd ku dhawaaqday in Madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Itoobiya Dr Abiy Ahmed ay u duulayaan magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Waxaa markiiba cirka isku shareeray guuxaha dadwaynaha Soomaaliyeed oo dhegta u taagaya kulankaasi iyo waxa kasoo bixi doona, jeer ay Kenya caddaysatay sida ay uga go’an tahay.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in wada-hadallada Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague.

Yeelkeede, dadwaynaha ayaa weli saluugsan qaabka ay isu dhaleen labadan booqasho oo aanay dadku horay midkoodna uga war haynin.

Haddaba, waxaa jira ilaa qodob oo muujinaya khaladaad ka muuqda booqashada Nairobi, iyo xitaa midda Addis Abeba haddii ujeedkeedu ahaa mid loogu gogol xaarayey tan dambe ee Nairobi.

1 – Kenya iyada ayaa wax doonaysa, isla markaana si ula kac ah u xumeeysey xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Somalia iyo Kenya, sidaa daraadeed, iyada ayay ahayd inay Muqdisho timaaddo haddii la wanaajinayo xiriirka labada dal, ama xitaa haddii waxa laga hadlayaa aysan shuqul ku lahayn arrimaha badda, balse ay la xiriiraan iskaashi gobolka dhexmara.

2 – Waxay ku fiicnayd in xitaa haddii uu Madaxwaynaha Somalia aqbalay inuu Nairobi booqdo, uu Muqdisho dib ugu laabto oo uu halkaa kasoo ambaboxo maalin ama laba kaddib, waayo sidaasaddu waa JILLIIN marka waa inaad culays isu yeeshaa muhimna iska dhigtaa, laakiin in saacado kaddib dal kale oo uu hardan taariikhi ah naga dhexeeyo laga duulo iyadoo la saaran yahay dayuurad khaas ah oo ay iyadu leedahay waa arrin yara taban.

3 – Maadaama ay Itoobiya tahay dal uu xafiiltan soo jireen ihi naga dhexeeyo, isla markaana aan weli heshiis rasmi ah oo kama dambayn ah laga gaarin xiisadda naga dhex oogan, sax ma aha inay sutida noo qabato oo ay u muuqato mid naga ODAYAYNAYSA, weliba xilli ay doodi naga dhexeeyso dalka Kenya oo ay isku mid yihiin duruufaha ku hareeraysan siyaasaddooda ku wajahan Somalia.

4 – Waxaa weli taagan heshiis iskaashi oo dhanka gaashaandhigga ah oo ka dhan ah dalkeenna Somalia (Kenya-Ethiopia Defence Pact) kaasoo ay 63 sanadood ka badan kahor wada gaareen boqorkii Amxaarada ee Emperor Haile Selassie iyo aabbaha Jamhuuriyadda Kenya, Mzee Jomo Kenyatta, waxaan u qaadanaynaa inay labadaa dal weli dabaqayaan aragtida siyaasadeed ee loo yaqaanno Realism oo ku salaysan Somalia dhibkeedu waa dheefteenna (Zero-sum game), sidaa darteed, farsamo ahaan waa is miidaamin inay noo kala tarjumaan oo uu midkood nasteex noo jilo midna nacab, balse waa inaan arrimohooda u wajahnaa qaab ka fiirsi leh oo taxaddar badani wehliyo.

5 – Madaxwaynaha Somalia oo inta badan lagu dhaliilo inuu kaligii iska gaarayo go’aamo masiiri ah, safarro badan oo uu Itoobiya iyo Kenya ku tegeyna doodo badan laga keenay, markale booqashadan ma wato rag jilib wayn diblomaasiyadeed ama waaya arag siyaasadeed ah oo u babac dhigi kara dalabaadka qiiq isku qariska ah ee ay Kenya ku dabaqayso istaraatijiyadda loo yaqaanno ”Kub qabso ku qadi mayside!, sidaa darteed waxay ahayd inuu ugu yaraan u dad badsado kulankaasi, si Kenya gar diblomaasiyadeed loo geliyo.”


Isku soo xooriyoo, waloow ay wanaagsan tahay in xal laga gaaro arrimaha ku xeeran gobolka ay xasaraduhu la degeen ee Geeska Afrika/Bariga Afrika, misna ma aha inay Somalia u muuqato mid dhiiggeeda ku daaqaysa ee taa biddaalkeeda waa in dalalka iyaga wax laga tabanayo ee Itoobiya iyo Kenya ay qaadaan tillaabooyin dhalinaya niyad samaan iyo isbeddel dhab ah, balse ma aha in annagoon ka raysanin dhibkii hore iyo dhulkeenna oo ay cudud shisheeye ku haystaan ay nagu khasbaan in aan qado ugu darno quraacdii ay horay u cuneen.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media