Ciidamo ka tirsan DF oo saaka sameeyay arrin aan looga BARAN + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2019 – Ciidamada DF Somalia ayaa inta badan lagu eedeeyaa inaysan lahayn dareen iyo dishibiliin ku filan la macaamilka shacabka iyo xaaladohooda kala duwan.

Shacabka Muqdisho iyo meelo kale ayaa dowladda kaga cowda tacaddiyo iskugu jira ku takri fal awoodeed, dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kale oo aysan shacabku ka mudnayn.

Yeelkeede, sida uu sheegay qof goobjoog ah, ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo jidadka qaar taagnaa xilli uu Madaxwaynuhu u socdaalayay dhanka Addis Abeba ayaa waxaa dhacday arrin ugub u eg.

Ciidamada ayaa sida uu ninkani sheegay waxay istaajiyeen mooto bajaaj ah oo siday gabar fool ah iyo hooyadeed, balse markii ay arkeen xaaladda waxay qaateen go’aan xambaarsan faham, dareen iyo mas’uuliyad.

Wuxuu ninkani sheegay inay gaarigoodii ciidanka ku qaadeen gabadhii foosha ahayd iyo hooyadeed oo ay u qaadeen dhanka isbitaalka Turkiga.

Waloow aynaan weli hubin xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah ee dhacdadan waloow aan rajaynayno inay dhacday, misna arrimahan oo kale ayaa ah waajib saaran askariga balse inta badan waxaan jirin baraarujin, wacyi iyo tacliin ku filan oo ay askariga iyo shacabku ku gartaan waxa ay isu yihiin iyo xaqa iyo waajibka midba ka saaran midka kale.

Hadalsame Media