Ciidamada DF Somalia oo AWOOD ka badbadis ah u adeegsaday weerarkii ugu dambeeyay ee Muqdisho taasoo uga dartay xaaladda + Sawirro caddayn ah

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2019 – Weerarkii ugu dambeeyay ee naxariis darrada ahaa ee ay kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada Muqdisho iyagoo beegsanaya dad shacab ah ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin mood iyo noolba leh.

Marar badan waxay marka laga soo tago khibrad yarida iyo ciidamada oo u muuqda inay wax qorshe iyo hab-raac ihi uga degsanayn samata bixinta shacabka, waxay dhibaato kale ka taagan tahay isku hoowlid ku aaddan in arrinta loo soo afjaro sida ugu dhaqsaha badan, taasoo galaafata nolosha dad badan oo shacab ah oo la badbaadin kari lahaa haddii kale, sida dhacday weerarkii ugu dambeeyay oo dad badan dhismayaashii lagu dumiyay iyagoo nool.

Waxaa arrintaa isna wax ka qoray weriye Dulyar oo ku bilaabay: Khubarada Amniga dalkeena u xilsaaran ama madaxda ka ah Toloow hadii diyaarad rakaab ah oo ay Soomaaliya leedahay ayna saaran yihiin 100 ruux oo shacab ah ay afduuban lahaayeen 1 ama 2 wiil oo bastoolado wata ma waxey oran lahaayeen Baasuuke halagu dhufto si degdeg loogu soo afjaro afduubkaan.

Waxaan hadalka uga socdaa Dhimashada iyo dhaawaca dadka soogaaray marka laga yimaado kadib markaan saakay arkay dhismihii Shiddo ee uu qaraxa kaddib weerarku ka dhacay iyo sida ay noqdeen dhamaanba dhismayaashii ka dambeeyay ama ka soo horjeeday iyo kuwii ka ag dhowaa oo dhan.

Waxaadba is leedahay meeshaan macquul maaha In 4 Wiil oo dabaq gashay lagula dagaalamaye malaha labo guuto oo hub culculus wadata ayaa isku fara saartay Macbuutkoow
War caqligaan caqli dhaama hala keeno fadlan.

Waxaa muhim ah in hab-dhaqankan iyo qaabkan loo wajahayo weerarrada noocan ah la bedelo oo la dejiyo istaraatijiyado ka hor tag iyo ka daba tagba leh oo ka hufan qaabka aynu iminka aragnay oo keenaya inay dhintaan dad badan hanti fara badanina burburto, meeshuna u muuqato furunta Dagaalkii 2-aad ee Adduunka.

Maxaa yaab isdabayaal…!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Dulyar iyo Maxamed Xaaji

Hadalsame Media