Uganda oo ka shaqaynaysa inay Somalia & Kenya si gaar ah u xaajoodaan & halis taa ku jirta! (Shir ka dhacaya Kampala?)

0

(Kampala) 02 Maarso 2019 – Jeer ay dunidu jeedaalinayso xiriirka labada dal ee Somalia iyo Kenya oo woxoogaa xumaaday maalmihii dambe, waxaa soo baxaya warar sheegaya in MW Somalia, Moxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caasimadda Uganda ee Kampala kula kulmayo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta oo isna laga sugayo furitaanka Shirka Africa Now Conference.

Sida ay warar hoose sheegayaan, Md. Farmaajo ayaa xaqiijiyey inuu kulankaa ka qayb geli doono, kaasoo dhici doona inta u dhaxeeysa bishan Maarso 12 ilaa 13, 2019.

Mr. Awel Uwihanganye, oo kaaliye Agaasime ka ah hay’adda Africa Strategic Leadership Centre, oo ah urur Kampala fariista oo u janjeera dhanka afkaaraha Afrikaawiga ah ee Pan-Africansm, oo shirkaa soo agaasinten, ayaa sheegay in Md. Farmaajo uu shirkaa imanayo kaasoo uu shir guddoominayo MW Yoweri Museveni, isla markaana uu ka qayb gelayo rag ay ku jiraan MW Xigeenka Tanzania, Samia Hassan Suluhu.

MW Masar, Fatta Al Sisi, Rwanda, Paul Kagame iyo South Africa, Syril Ramaphosa ayaa ka mid ah rag kale oo casuumadda loo diray, balse aan weli xaqiijin inay imanayaan, waxaan sidoo kale weli la hubin Kenyatta.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Uganda oo is qariyay ayaa sheegaya in fursaddan loo adeegsan doono sidii loo wada hadashiin lahaa Kenyatta iyo Farmaajo, xilli ay Kenya sheeganayso dhul badeed ay Somalia leedahay, oo ay weliba caddaysatay inay xeer jajab ku raadinayso, iyadoo Febraayo 16 si ka baxsan ixtiraamka iyo xasaanadda diblomaasiyadeed Danjirihii Somalia ee Kenya si qoor qabad ah ugu dirtay Muqdisho iyadoo leh ”lasoo tasho dowladaada”, taasoo aysan iyadu xaq u lahayn.

Arrintan ayay dad badani u fasirteen mid ay tahay inay aad uga taxaddarto DF Somalia oo ay Kenya ku raadin karto qaab ay si gaar ah Somalia ugala hadasho arrinta xadka badda Somalia ee lasoo damaaciyey oo iminka hor taalla Maxkamadda ICJ oo ku taalla The Hague, Netherlands.

Hadalsame Media