”Hallaga xayuubiyo Danjire Sharafeedka UNICEF” – Priyanka Chopra oo lagu eedeeyay inay tahay dagaal huriso! (Arag sababta & fal-celinta)

0

(Delhi) 02 Maarso 2019 – Qalanjada Bollywood ee Priyanka Chopra ayaa lagu eedeeyay inay ‘colaad qurxinayso’ kaddib markii ay soo dhigtay tweet ay ku taageerayso ciidamada dalkeeda Hindiya, jeer ay qaacayso xiisadda ka dhex oogan dalkeeda iyo deriska Pakistan.

Taageerada ay muujisay ayaa cambaarayn ba’an oo shacbawi ah la kulantay, iyadoo ay kumannaan qof ku baaqeen in laga xayuubiyo xilka Danjire Samawade u ah hay’adda Carruurta QM ee UNICEF.

Atirishadan ayaa waxaa sidoo kale aad u dhaleecaysay dhiggeeda Pakistan Armeena Rana Khan iyadoo ku haysata farriinta ay soo qortay oo u dhigan ‘Jai Hind (Hindiya ha noolaato) kaddibna hashtag u qoran: #IndianArmedForces’.

Hadalsame Media

Facebook Comments