Krzysztof Piątek waa dhowr laacib oo isku darsan

0

(Milano) 19 Feb 2019 – “Piatek, waa xoogaa’ Sheva, Ibra, Inzaghi iyo Van Basten. Waa qoosh cajiib ah”: Waa cinwaanka sheeko uu wejiga hore ku qoray warqaadka La Gazzetta dello Sport.

Haatan waxaa ka hadlay weriyaha Tuttomercatoweb.com, Massimo Agostini, oo horay weerarka uga dheeli jirey Rossoneri, oo fikirkiisa ka dhiibtey Piatek

Waayo laacibiinta uu iila egyahay?

“Dhanka xoogga jireen waxaan xusuusan karaa Ibra, dhanka xawaarahana Shevchenko. Aragtidayda wuxuu leeyahay baxaalli u gaar ah“. ayuu yiri.

Krzysztof Piątek ayaa Jannaayo kusoo biiray kooxda Milan oo Genoa kasoo siisatay 35 milyan oo euro, oo dad badani ku tilmaamayeen inay ”khamaar” tahay, balse ilaa haatan 5 kulan oo uusan wada ciyaarin wuxuu dhaliyay 6 gool oo muhim ah, taasoo ah arrin aan u suurtagelin qannaasyadii Van Pasten, Weah, Ibra, Inzaghi, Sheva iwm.

Hadalsame Media