FAALLO: Tillaabada Kenya oo caddeeysay in ay guul-darro uga soo socoto kiiska horyaalla maxkamadda ICJ

0

(Hadalsame) 19 Feb 2019 Dowladda Kenya ayaa muujisay inay wajahayso cabsi guul-darro oo kaga soo socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, halkaasi oo uu yaallo kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ay dooneyso inay qaadato.

Arritan ayaa waxaa caddeyn u noqday hadal kasoo baxay xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo soo bandhigay saddex shardi oo dowladdiisa ay ku xireyso in lagu xaliyo muranka diblomaasiyeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Markii Kenya ay xiriirka diblomaasiyeed u jartay Soomaaliya ayada oo ku doodaysa in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla “dhul-badeedka Kenya”, waxaa durba soo baxday in waxa Kenya ay u socoto aysan taas ahayn, balse ay tahay inay dooneyso inay lugaha kala baxdo kiiska maxkamadda ICJ.

Jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ka bixisay go’aanka Kenya ayaa caddeyn u noqday in Kenya meel cidlo ah ay ka dagaalamayo.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla “dhul-badeedka lagu muransan yahay”.

Intaas kadib, ayaa Macharia Kamau saddexda shardi ee uu soo bandhigay waxa ugu yaab badnaa midkan saddexaad. Shuruudaha ayaa kala ahaa:

1 – In Soomaaliya ay ka noqoto qeybta qariiradda Badda oo Kenya ay u aragto inay leedahay, kuwaas oo xirmooyin shidaal oo ku yaalla lagu suuq geeyay shirkii ka dhacay magaalada London.

2 – In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn.

3 – In wada xaajood ay labada wadan ka galaan “arrinta muranka badda”, oo ay ka gaaraan xal walaalnimo, iyada oo aan la marin maxkamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taallo.

Waxaa yaab leh, haddii Kenya ay markii hore Soomaaliya xiriirka ugu jartay inay iib-geysay “dhul Kenya leedahay”, haddana dalbatay in laga noqdo, xaguu u socdaa qodobka saddexaad ee maxkamadda ICJ? Maxaase iska galay kiis sanado soo socday iyo arrintan cusub?

Sida Macharia hadalkiisa ka muuqata, xitaa haddii Soomaaliya ay ka laabato dhul-badeedka ay xirmooyin shidaalkiisa iib gaysay, maba aysan iib geyn’e, Kenya kuma filna.

Bal u fiirso waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya sababta Kenya u dooneyso in laga noqdo kiiska maxkamadda ICJ oo wada-hadal lagu dhameeyo. “Rajadeenu waxa ay tahay in maadaama aan nahay deris wanaagsan in arrintan lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamad. Saaxiibadi islama koraan maxkamad; waa ay wada fariistaan oo ay xaajoodaan. Waa taas waxa aan ka fileyno Soomaaliya.”

Haddii Kenya ay hubto in dhul-badeedka ay sheeganeyso uu yahay mid ay leedahay, maxay uga cabsaneysaa maxkamadda, oo ay u dooneysaa in kiiskan lagu dhameeyo wada-xaajood, haddiise ay dalbatay in dowladda Soomaaliya ay ka laabato “dhulkii lagu iib geeyey London” maxay maxkamadda ICJ ugu xiraysaa?

Waxaa cad in Kenya wajaheyso guul-darro, ayna dooneyso in inta aan go’aanka la gaarin ay kiiska maxkamadda faraha kala baxdo, kadibna wada-xaajood been ah ay Soomaaliya waqtiga uga lumiso ama ugu awood sheegato.

Qaybta tifaftirka Caasimada Online

Hadalsame Media