AC Milan oo 100 milyan oo euro ku doonaysa Gareth Bale (Xog Cusub)

0

(Milano) 17 Feb 2019 – Real Madrid ayaa weli u koorsaynaysa horyaalka La Liga, waloow ay kooxda Santiago Solari ay gurigeeda ku garaacday kooxda Girona oo 1-2 ku dubatey.

Mid ka mid ah laacibiinta aan haatan sida joogtada ah u dheelinna waxaa ka mid ah Gareth Bale tiiyoo ay weliba jirto inay kooxdu dhaawacyo la tacaalayso, iyadoo aysan markaa la yaab lahayn inuu laacibkan Welsh-ka ihi kooxdaa ka tegi karo.

Sida ku qoran warqaadka facsharka ah ee reer Spanish ee Don Balon, kooxda AC Milan ayaa 100 milyan oo euro u bandhigaysa kooxda Los Blancos si ay laacibkan ugu xoojiso garabkeeda midig oo uu haatan ka dheelo Suso, haddii ay Champions League usoo baxdo fasalka xiga.

Kooxda Rossoneri oo sidoo kale isha ku haysa hannaanka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play oo laga doonayo inay khasnadeheeda saxdo 2021, ayaa Gareth Bale u aragta mid sare u dhigi kara tayada kooxda oo kasoo raynaysa, isagoo tilaabo wanaagsan u arki kara inuu ka mid noqdo kooxdan Serie A oo doonaysa inay figta sare kusoo noqoto markale.

Laacibkan oo sanadkan 28 kulan u saftay kooxdiisa tartamada oo dhan, kuwaasoo uu 12 gool ka dhaliyay La Liga, Coppa del Re iyo Champions League, ayaa 5 sanadood ku sugnaa kooxda Real oo 2013 kasoo iibsatey Totthenam oo ay kasoo siisteen 101m, isagoo saxiixay qandaraas dhamaanaya 2022.

Hadalsame Media