Yuhuudda oo ku soo qulqulaysa dal ka mid ah wadamada Barriga Afrika + Sawirro

0

(Kampala) 14 Feb 2019 – Ugu yaraan 230 dalxiisayaal ka soo jeeda Yuhuudda ayaa maalin kahor soo gaaray Magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, sidaas waxaa sheegtay waaxda dalxiiska u qaabilsan dalka Uganda ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo UTB.

Dalxiisayaashaan u dhashay Is’raa’iil ayaa shalay ka doo dagay garoonka caalamiga ah ee Entebbe international airport kadib markii diyaarad ka soo qaaday dalkooda ay si toos ah u soo gaartay Magaalada Kampala.

Tali Yativ oo ah haweenayda hoggaaminaysa kooxdan Yuhuuda ah ee soo gaaray Uganda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay aadna u xiisaynayso inay soo gaaraan Magaalada Kampala.

“Waan jeclahay dadka Uganda iyo dabeecadda dhulkooda ayay tiri”, Tali Yativ.

Dalxiisayaasha Yuhuuda ayaa kormeer ku bixiyay garoonnka diyaaradaha Kampala halkaas oo kal hore ay kumaandooska Yuhuuda ku badbaadiyeen muwaadiniin yuhuud ah oo la afduubtay diyaaradii ay saarnaayeen, waa xiligii dalkaasi uu ka ariminayay Iidi Amiin, Madaxwaynihii hore ee Uganda.

Madaxa Hay’adda dalxiiska Uganda ninka la yiraahdo Stephen Asiimwe ayaa sheegay in dalksiisu uu ku dhiiragaliyay muwaadiniinta Yuhuudda inay u soo dalxiis tagaan dalkiisa.

Wasiirka dalxiiska Uganda Prof Ephraim Kamuntu ayaa ku sugan Magaalada Tel Aviv ee Is’raa’iil halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka caalamiga ah International Mediterranean Tourism Market.

Kooxdan Yuhuuda ah ee dalxiiska u tagay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa la filayaa inay tagaan oo booqdaan Beerta Boqorka, Bulshada Yuhuudda ee ku nool Mbale oo ah meesha uu ka bilowdo Webbiga Nayl iyo sidoo kale goobo badan oo ku yaala dalkaasi Uganda.

Taariikhda marka dib loo aqriyo, dad Yuhuuda ah ayaa ah kuwa aad ugu dhagan dhaqamada dadka u dhashay Uganda waxayna lee yihiin labada mushtacmac xiriir soo jireen ah.

Hadalsame Media