Maraykanka oo ka hadlay duqeyn iyo weerar ka dhacday Koonfurta Soomaaliya

0

(Chad) 14 Feb 2019 – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay fuliyeen labo duqeyn oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab waxaana weeraradaasi ka dhaceen koonfurta Soomaaliya gaar ahaan meel ka baxsan Muqdisho.

Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose 11 Bishaan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay xubno ka kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida warbixinta lagu sheegay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku saabsan duqeynta ka dhacday Janaale ee la sheegay in lagu dilay 15 ka tirsan dagaalyahannadooda.

Duqeynta cirka ah ayaa ka dnabeysay howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fulinayeen deegaanka oo dhan ahaa ururka Al-shabaab sida ay sheegayso xogta uu sii daayay Taliska Maraykanka.

Hadalsame Media