TRUMP:- Ilhaan Cumar waa inay iska casishaa Aqalka Kongareyska, lamana aqbali karo Yuhuud naceybkeeda

0

(Washington) 13 Feb 2019 – Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ugu baaqay inay iscasisho Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Congress –ka Maraykanka kadib qoraalkeedii loo arkay Yahuud naceybka oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter –ka maalmo kahor.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Yahuud naceybku marnaba boos ku laheyn Aqalka Kongareyska gudihiisa, sidaa daraadeed waxaa uu ugu baaqay Ilhaan Cumar inay iska casisho xubinimada Aqalkaasi iyo guddiga arrimaha dibedda oo ay ka tirsan tahay.

Ilhaan Cmar oo asal ahaan Soomaali ah waxay ka mid tahay Xisbiga Dimuqraadiga waxayna dhaleeceen adag kala kulantay qoraalka ay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka oo ay ku sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil,.

Hadalkeeda ayay raaligalin ka bixisay laakin uma muuqato inay sidaas uga baxsan karto qolooyinka u jan jareera u xaglinta Yuhuuda.

Madaxweynaha Trump oo la aamisan yahay inuu ka mid yahay dadka Yuhuud jacaylku dardaray ayaa raaligalinta Ilhaan Cumar ku sheegay mid aysan daacad ka aheyn, isaga oo intaa ku darray in erayada ay isticmaashay ay yihiin kuwo Qalbigeeda ku jira.

Ilhaan Cumar ayaa markii ugu horeysay weerar afka kala kulmeysa Madaxwaynaha Maraykanka.

Hadalsame Media