DHEGEYSO: Ninkii hindisey magaca muusigga ‘Hip Hop’ oo abaalmarin caalami ah helay

0

(South Bronx, NY) 13 Feb 2019 – Saaka ayaa la bixiyay abaalmarinta loo yaqaanno polarpriset dufcaddii sanadkan 2019, taasoo ay wadaagayaan 3 qaybood oo kala ah: Gabadha looga haray garaacista dhexyarta ama violin-ta Anne-Sophie Mutter, horseedka muusigga hip hop-ka, Grandmaster Flash iyo Mashruuca muusigga caalamiga ah ee “Playing for change”.

Abaalmarintan ayaa looga gol leeyahay in isbeddel lagu dhaliyo sida ay sheegtay weriyeheenna muusigga ee Berit Nygren:

2009 abaalmarinta Polar Prize waxaa qaatay ninka asaasay mashruuc ku saabsan saynyaalaynta muusigga waxa loo yaqaanno orchestra kaasoo lagu magacaabayay El Sistema, José Antonio Abreu, sanadkii tegey waxa abaalmarinta qaatay mac’hadka muusigga Afghanistan, halka sanadkan lagu abaal mariyay mashruuca caalamiga ah ee “Playing for change”.

Aragtida looga gol leeyahay abaalmarintani waa in lagu hormariyo xaaladda nololeed ee carruurta ay noloshu ka hiillisay si fursad labaad loo siiyo, gaar ahaan meelaha hodonka ku ah muusigga iyo dhaqanka, balse sabool ka ah dhanka dhaqaalaha.

Maanta, qiyaastii 2000 oo da’yar ah ayaa casharro bilaash ah oo dhanka muusigga ah ka hela mashruuca “Playing for change” kuwaasoo ku kala firirsan 11 dal oo caalamka ku yaala.

Polarpriset waxaa sidoo kale sanadkan qayb ahaan loo gartay fannaanka iyo DJ-ga Maraykanka ah ee horseeday ama allifey nooca muusig ee maanta loo yaqaanno hip hop, Joseph “Grandmaster Flash” Saddler.

Tusaale ahaan, dabayaaqaddii 70-meeyadii wuxuu sameeyay koox la magac baxday “Cowboy” oo loo tixgeliyo inay yihiin kooxdii ugu horreeysey ee adeegsata kelmadda ama tibixda “hip hop”.

Waxay ahayd xaflad ay ka tumayeen oo ay ka raabayeen markii ay la kaftameen mid saaxiibkood ah oo doonayay inuu ciidamada millateriga ku biiro waxayna gaardis ahaan u yiraahdeen – “hip-hop”, “hip-hop” – deeto Grandmaster Flash oo geed fadhi u noqday koox kale oo la yiraahdo “The furious five” ayaa waxay kelmaddaa hip-hop dadka u bareen inay tahay nooc cusub oo muusigga ka mid ah, gaar ahaan album-kii hit-ka noqday 1982-ka ee “The message”.

Qofka 3-aad ee sanadkan hantay polarpriset waa cabqariyad ka mid ah dadka faraha looga gubtey muusigga casrigan. Violinist Anne-Sophie Mutter oo si wanaagsan ugu xarrakeeysa ka dhawaajinta dhexyarta, iyadoo garaacaysa muusig ay qoreen mullaxamiinta iyo mu’alifiinta ugu waawayn dhanka muusigga oo ay ka mid yihiin Lutosławski, Dutilleux, Previn, Gubajdulina, Penderecki iyo John Williams – iyadoo wax ka tunta masraxyada waawayn iyo naadiyada caadiga ah intaba.

Mutter waxay doonaysaa inay muusigga kacaamiso iyadoo wax ka bedeleeysa qaabka ay u qoran yihiin jaamaha noocyo badan oo ka mid ah muusigyada, tusaale ahaan, waxay dhegeysatey laxanka “Jamaican rhumba” oo ay si toos ah uga tuntay Yellow Lounge” iyadoo adeegsanaysa laxanka qadiimiga ah ee Deutsche Grammophon.

 

Hadalsame Media