Ciidamada Booliska oo howlgallo guri guri ah ka sameeyay xaafado ka tirsan Muqdisho

0

(Muqdisho) 13 Feb 2019 – Howlgalkaan oo ahaa mid ballaaran ayay ciidamada Booliska gobolka Banaadir ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabadda ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu qab-qab-qabtay dad looga shakinsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay qabteen dhalinyaro badan oo qaar kood xaafadaha laga soo bixiyay waxaana ay isugu geeyeen goobo gaar ah halkaas oo lagu kala saaray.

Intii howlgalku socday lama sheegin wax isku dhacyo ah oo ka dhashay hase ahaatee waxaa dadka deegaanka ay sheegeen inay arkeen ciidamo boolis ah oo aad u hubeysan islamarkaana guryaha garaacayay xalay kuna amrayay dadka inay soo bixiyaan wixii rag ah marka laga reebo dadka waaweeyn.

Howlgalkaan waxaa qayb ka ahaa sida la sheegay rag wajiyada loo soo xiray oo si gaar ah u farmuuqayay dadka sida aadka looga shakinsan yahay waxaana la sii daayay inta badan dadkii la qabtay marka laga reebo 12 ruux.

Howlgalkaan waxaa uu ka dambeeyay kadib markii amniga degmada Warta-Nabadda uu qalqal galay waxaana taasi ay ka dambeysay weeraro is xig xigay oo dad lagu dilay kuwaas oo ka dhacay inta badan degmada Warta-Nabadda.

Hadalsame Media