XOG HOOSE: Qolka lebbiska Chelsea oo ka baxay faraha macallin Sarri (Laacibiin ku hanjabey inay tegayaan haddii…)

0

(London) 12 Feb 2019 – Macallinka hareereeysan ee Chelsea jaalle Maurizio Sarri ayaa uu qolka lebiska kooxdaasi farihiisa ka baxay, sida uu dhigayo warqaadka Spanish-ka ah ee AS.

Macallin Sarri ayaa la sheegay in aanu iminka ku tashanaynin xiddigaha Chelsea gaar ahaa ‘kuwooda geed fadhiga ah ee waawayn’ oo la sheegay in xiriirkoodu gaarey meel aanba ‘laga xalliyi karin’.

“Laacibiintu ma fahamsana qaabka howleed ee macallinka, mana la dhacsana, sidaa darteedna ma raacaan marka ay ciyaarayaan,” ayuu wargaysku qoray.

Kaaga sii darane, qaar ka mid ah xiddigaha asaasiga ah ee kooxda ayaa horraanba sheegay inay ‘kooxda ka dhaqaajin doonaan fasalka xiga, haddii uu sii joogo macallinkii hore ee Napoli’, waxaana taa laga dhadhasan karaa hubaal la’aanta sii kordhaysa ee ku xeeran aayaha Eden Hazard ee kooxda Buluuglayaasha.

Warkan ayaa soo baxaya jeer ay sii qoyan tahay guuldarradii ugu xumayd ee abid Blues ka soo gaarta Premier League oo kooxda 60-jirkan Axaddii qabsatay kaddib markii ay 6-0  ku ruquustay kooxda Manchester City.

Hab-dhaqanka noocan ah oo u gaar ah kooxo yar oo ay Chelsea ka mid tahay, ayaa sabab u noqda inay kooxdaasi yeelan waydo siyaasad deggan iyo macallin ku waara muddo dheer, taasoo dhalisa inay macallimiinta iyo ciyaartooy badani kooxda ka tagaan ama laga diro, maadaama macallin kasta oo cusubi uu laacib hor leh dalbado, iyadoo haddii uu Sarri tago ay u badan tahay inay raacaan Jorginho, Higuian iwm.

Hadalsame Media