WAR CUSUB: Juventus oo €200m ku doonaysa jookarka Liverpool ee Mohamed Salah + Sawirro

0

(Torino) 12 Feb 2019 – Jookarka Liverpool ee wacdaraha ka dhigaya Premier League ee Mohamed Salah ayaa waxaa la isla dhex marayaa inay lacag waalli ah ku doonayso kooxda Juventus.

War uu faafinayo hilinka Sky News Arabia ayaa sheegaya in Cristiano Ronaldo uu kooxdiisa ku qalqaaliyay in Salah la keeno kooxda Juve.

Jeer la hadlayo in uu kooxda ka socdo Dybala, Don Balon ayaa sheegaya in Salah uu yahay laacibka ay beddelkiisa u calaamaysteen, kaasoo ay ula diyaar yihiin adduun dhan ama ku dhow €200m’ (£175m).

Sky News Arabia ayaa sheegaya in ‘khidmaddu ayba ka sara mari karto €200m’, taasoo wax aad u yar u jirsanaysa qiimihii rikoodh jebiska ahaa ee €222m ahaa ee ay Paris Saint-Germain kasoo bixisay Neymar sanadkii 2017.

Hadalsame Media