”Waa in aannu ciidan ahaan ugu diyaar garoownaa Ruushka & Shiinaha” – UK oo falax gooddisey & Ruushka oo ku qoslay + Sawirro

0

(London) 12 Feb 2018 – UK waa inay u diyaar garoowdaa inay ‘cudud xooggan’ u adeegsato Ruushka iyo Shiinaha, ayuu yiri Wasiirka Gaashaadhigga Britain Gavin Williamson, taasoo keentay inay Moscow oo indhaha yaab la taageeysaa ay taa ku tilmaanto arrin “aan xaqiiqada jirta la haysanin” oo looga gol leeyahay uun in miisaaniyadda loogu kordhiyo Wasaaradda Difaaca UK.

Ninkan oo ka hadlayay mac’hadka Royal United Services Institute ee London, ayaa ku dooday in Moscow “oo xuub dhacsatay” ay “ciiidamadeeda aad u hubaynayso” si buu yiri ay xoog ugusoo ceshadaan jamhuuriyadihii ka go’ay Soofiyeetka sida Georgia, Ukraine iwm.

”Waa inaanu u diyaar garoownaa muujinta qiimaha sare ee lagu bixiyo hab-dhaqanka kibirka, oo aannu xoojinnaa ciidamadeenna si aannu daneheenna uga ilaashanno Ruushka iyo Shiinaha.”

Warkan Williamson ayaa falcelinno isku dhafan ka keenay dhanka Ruushka, iyadoo ay safaaradda Ruushka ee London ku tilmaantay “mid aan gebi ahaanba xaqiiqada la socon” balse kicinaya shucuur millateri oo aan loo baahnayn.

“Sida cad, waa sahlan tahay in bulshada lagu beer dulucsado waxan loogu yeerey ‘halista Ruushka’, si looga jeediyo arrimaha muhimka ah iyo dhibaatooyinka maanta Britain ka haysta gudo iyo dibedba,” ayuu u dhignaa war jeesjees loo qaatay oo kasoo baxay safaaradda Ruushanka.

Warka wasiirka ayaa kusoo beegmay jeer ay London direeyso markabkeeda dagaal ee ugu ballaaran, oo ah dayuurad xambaarka HMS Queen Elizabeth, oo ay gaynayso South China Sea si uu uga qayb galo howlgal uu Maraykanku isku duwey oo lagu sheegay ”xorriyadda gooshidda badda”.

Britain oo aan weli xal u helin furriinka Midowga Yurub, ayay dad badani ku dhaliilaan inay dabaqayso siyaasado qar iska tuur ah oo ay sabab u yihiin aragtida ah inay beri ahaan jirtey imbaraaliyadda adduunka ugu ballaaran, taasoo ah arrin aysan maanta u babac dhigi karin dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba.

Unug ka tirsan ciidamada Ruushanka oo ku sugan Cirifka qaboow ee Woqooyiga dunida oo talis gaar ah ka samaysanayaan
Ciidamada gaarka ah ee Britain oo layli samaynaya

Hadalsame Media