Somalia oo taageero heer qaaradeed ah u heshay in qaamaha laga cafiyo (Hal arrin ah oo harsan)

0

(Addis Abeba) 12 Feb 2019 – Saraaakiisha sare ee DF Somalia, jaalalka caalamiga ah ee horumarinta iyo ururrada bulshada rayidka ee ku howllan arrimaha aadminnimo ee Somalia ayaa shir doceed ku yeeshay kulan madaxeedka Midowga Afrika si loo meel mariyo olole ballaaran oo qaamaha looga cafinayo dalka ay dagaalladu halakeeyeen ee Somalia.

Ujeedka tillaabadan ayaa ku qotonta sidii dalkan dhaca Geeska Afrika looga saacidi lahaa inuu dib u dhiso kaabayaashii dhaqaalaha ee burburay ama aan markii horeba ahayn kuwo wax ku ool ahaa, iyo si dib loogu dejiyo malaayiin degaannadoodii uga soo cararay dagaallada sokeeye.

“Somalia waxay u baahan tahay iskaashi caalami ah, waayo cafinta daymuhu waxay naga caawinaysaa inaan bilowno qorshe dib u dhis qaran,” ayuu yiri Jamaal Xasan, oo ah wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo dhaqaalaha Somalia.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu taageero siyaasadeed siinayo qorshaha Somalia lagaga cafinayo qaamaha lagu leeyahay oo gaaraya 4.6 bilyan oo doollar, si uu dalku u helo kaalmo dhaqaale oo ballaaran oo caalami ah.

Somalia ayaa haatan wada hadal kula jirta hay’adda lacagta adduunka ee IMF, taasoo lagu wado inay guddi xaqiiqo raadin ah u dirto Somalia, taasoo haddii ay guul ku dhamaato dalka ka caawin karta inuu helo taageero caalami ah oo dhaqaale.

Isha: CGTN

Hadalsame Media