MAN UTD VS PSG: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Manchester) 12 Feb 2109 – Waxaa caawa lugta hore ee wareegga 16-ka ee Koobka Horyaallada Yurub ku ballansan labada naadi ee Man United iyo PSG oo ku dheelaya gegada Old Trafford.

Dhanka Man Utd: Macallinka KMG ah ee Ole Gunnar Solskjaer oo ka saa’id caleeyay flashooyinkii ku hareeraysnaa ayaa caawa heli kara ku dhowaad safkii kooxda Manchester United oo dhan, si uu Champions League ugula hardamo koooxda PSG. Solskjaer, waxaa iminka ka maqan Matteo Darmian, Antonio Valencia iyo Marcos Rojo oo qura, waxaana hujuumka u diyaar ah Marcus Rashford iyo Jesse Lingard oo ka nastay guushii ay Sabtigii 3-0 dhanka Premier League uga badiyeen Fulham, waxayna weerarka ku wehlin karaan Anthony Martial.

Dhanka PSG: Xagga PSG, Thomas Tuchel waxaa ka maqan Neymar, iyadoo aan wiilka Brazil lagu arki doonin labada lugood ee bug-baxda dhaawac ricirrada ah dartood. Edinson Cavani ayaa isna Sabtigii dhaawac cajirka ah uga baxay baratankii Bordeaux, waxaana maqnaanshaha ku wehliya Thomas Meunier, oo ku maqan dhaawac maskax ruxan ah. Kylian Mbappe, oo ka nastay kulankii todobaad dhamaadka ayaa caawa hoggaamin doona weerarka PSG ee ka dheelaya Old Trafford.

SAADAASHA SAFAFKA SUURAGALKA AH:

Man Utd XI (4-3-3): De Gea; Young, Lindelof, Jones, Shaw; Matic, Herrera, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

PSG XI (4-2-3-1): Buffon; Kehrer, Kimpembe, Silva, Bernat; Marquinhos, Verratti; Alves, Draxler, Di Maria; Mbappe

Hadalsame Media