Faahfaahin ku saabsan howlgallo ciidamo ka tirsan dowladda ay ka fuliyeen saaka gobolka Jubbada Hoose

0

(Kismaayo) 12 Feb 2019 – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliyaiyo  kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saakay weerar ku qaaday saldhig ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon,

Ciidamada ayaa sida la sheegayo burburiyay saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ururka Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa xaqiijiyay howlgalkan Ciidanka Xoogga ay ku qaadeen Al shabaab.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay diyaariyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in shabaabka looga dilay dagaalyahano aan tiradooda la shaacin waxayna ciidamadu sida wararku sheegayaan kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee RPG-ga.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20 sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoona siiyay Raashin iyo Dawo.

Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka taagan xiisado u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Federaalka oo taageeraya kuwa Jubbaland.

Hadalsame Media