Dilal abaabulan oo argagax leh oo ka dhacay Boosaaso iyo Beledwayne

0

(Boosaaso) 12 Feb 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay halkaasi ku dileen ganacsade caan ah waxyar kadib markii uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday.

Alle ha u naxariistee ganacsadaha la dilay waxaa lagu Magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, waxaana la sheegay in uu xisaabiye guud ka ahaa shirkad Ganacsi oo la yiraahdo Horseed.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay Ganacsadaha uu ku sugnaa Xaafada Raf iyo Raaxo,isla markaana uu kasoo baxay Masjidka Cali Bin Abu-Daalib ee uu Salaadii Cishaha kusoo dukaday.

Kooxaha gaystay dilkaan foosha xun ayaa baxsaday lamana oga sababta loo dilay iyo dadkii ka dambeeyay dilkaas. Ururada Daacish iyo Al-Shabaab ayaa la aamisan yahay inay ka dambeeyaan falalka nuucaan ah.

Dhinaca kale Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan toogasho ku dilay shaqaale ka tirsanaa waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey.

Ciidamada amaanka ayaa saakay howlagallo ka wada Magaalooyinka Beledwayne iyo Boosaaso inkastoo aan la sheegin cid ay u soo qabteen dilalkaasi.

Hadalsame Media