DHEGEYSO: Shaqo helitaanka dadka aan Swedish-ka ahayn oo aad u korortay!

0

(Stockholm) 12 Feb 2019 – Dad badan oo aan Swedish ahayn ama asal ahaan ku dhashay dal aan Sweden ahayn ayay haatan si intii hore ka badan ugu sahlan tahay inay soo galaan suuqa shaqada Sweden, iyadoo ay hoos u dhacday heerka shaqa la’aaneed ee dadkan oo kasoo dhacday 21%, haatanna noqotay 19% muddo sanad gudihii ah, sida uu warbixintan ku qaadaa dhigayo weriye Simon Andrén.

Shaqa la’aanta dadka ajnabiga ah ama asal ahaan aan Swedish-ka ahayn ayaa haatan guud ahaan hoos ugu dhacday ilaa 7%, iyadoo ay haatan baagamuundo yihiin 350,000 kuwaasoo 200,000 oo ka tirsani ay ajnabi yihiin, kuwaasoo ay intooda badani kasoo jeedaan meelo aan Yurub ahayn. Waxaa se sidaa ku shaqa bilaabay 11,000 oo dadkan ka mid ahaa sanad kahor.

Annika Sundén waa madaxa falanqaynta u qaabilsan Xafiiska Shaqada Sweden ee Arbetsförmedlingen.

– Waa suuq shaqo oo xooggan; Waxaan u jeednaa dalabkaa xooggan ee dhanka suuqa shaqada, kaasoo u faa’iideeyay dadka Swedish asalka ah iyo kuwa shisheeyaha ah intaba, ayay tiri Annika Sundén oo madaxa falanqaynta Xafiiska Shaqada Sweden ee Arbetsförmedlingen.

Marka la eego dadka asal ahaan dibedda kasoo jeeda ee sanadkii tegey shaqooyinka helay, 60% waxay heleen shaqooyinka aan kabka uga baahnayn Xafiiska Shaqada (Subventionerade anställningar). Halka kuwa kale ay heleen shaqooyin kab u baahan, sida shaqooyinka dheeraadka ah, shaqooyinka suuq gelinta ah ee loo yaqaan introduktionsjobb iyo shaqooyinka la siiyo dadka suuqa shaqada ku cusub, si uu qofku u helo xirfadda, xogta iyo khibradda lagaga baahan yahay goobta shaqada.

Dhanka kale, marka la eego tirakoobkii uu bishii tagtay ee Jannaayo sameeyay Xafiiska Shaqada Sweden, waxaa si wayn hoos ugu dhacday shaqo la’aanta dadka dhaladka Swedish-ka ah oo iminka sii mareeysa 3.8%, sida ay markale sharraxayso isla Annika Sundén.

– Waxaa aad u hooseeya diiwaanka dadka dhaladka ah ee Swedish-ka ah, weliba marka aad eegto dadka haysta ugu yaraan shahaado dugsi sare da’dii howl qabadkana gaarey wax kayd shaqo ihi umeey harin. Waayo qof kasta oo shaqo doonayay wuu haystaa, yeelkeede, isla kooxdan dhaladka ah waxaa ku jira kuwo ay weli ku adag tahay inay soo galaan suuqa shaqada, waana kuwa aan lahayn aqoonta dugsiga sare, ayay tiri.

Tirakoobkan cusub ayaa muujinaya, inay sidoo kale aad hoos ugu dhacday shaqa la’aanta dadka da’yarta ah. Waxaa Iyana hoos u dhac ku yimi tirada dadkii ay u diiwaan gashanayd inay shaqa la’aayeen muddo ugu yaraan 12 bilood ah iyo wixii ka badan. Haatan bishii tagtay ee Jannaayo dadkaasi waxay ahaayeen 144,000 oo madax, waxaana ka go’day tiro gaaraysa 11,000, marka la eego tiradii la gudboonayd bishii Jannaayo ee sanadkii tegey ee 2018-kii.

Hadalsame Media