”Wuxuu ii garaacayay si aan dareen lahayn, marka aan soo naaxana wuxuu i waydiinayay sababta aan u dhiman waayay!”

0

(Nairobi) 11 Feb 2019 – Markii ay Benta Akinyi soo istaagtey xafiisyada warqaadka The Standard, hal arrin oo la hubey waa sidii ay wejigeeda haaraha badan ugu dhaygageen howlwadeenkii goobta joogey.

Dabcan, Ms Akinyi waa la qabsatay eegmadaa il ka dhex bixiska ah, waxay se ka qisaysay sida uu ninkeedu u galay. “Wuxuu isu rogey waxshi ii garaacaya si aan dareen lahayn, marka aan soo miiraabana wuxuu i waydiiyaa sababta aan weli u noolahay, isagoo i xusuusiya inuu i dili doono, waana ka dhab,” ayay ku calaacashay Akinyi.

Mr Muya, oo dhankiisa ka qirtay inuu xaaskiisa garaacay marar badan ayaa xaaskiisa ku tilmaamay “naag dhib badan”.

Ninkan oo ah 29-jir gaaska ka qaybiya suuqa Muchatha ayaa sheegay inay xaaskiisu inta khadka soo gasho ay misna aflagaaddayso haweenka macaamiisha u ah isagoo sheegay inay dadka kale iskaga dhigto qof wanaagsan balse aysan xushmaynin isaga, sida uu yiri.

Xaaskiisa Akinyi oo 31 jir ah ayaa sheegtay in dilalkiisa qaar ay dhibaatooyin waawayn u gaysteen dhanka wejiga midkoodna uu keenay inay naaska caabuq ka qaaddo kaddib markii uu bir kala dhacay.

Akinyi ayaa sheegtay inay ninkeeda uga ashtakootey Karuri Police Station, halkaasoo loo sheegay in arrinteeda dabagal lagu sameeynayo, balse waxba kuma tarin, sida ay sheegtay.

Kaddib markii ay booliisku u sheegeen inay arrintani tahay mid qoys ninkiina uu dilkii ka dayn waayay, Akinyi waxay guddoonsatey inay gurigiisa uga tagto iyadoo la baxsanaysa laba cauur ah oo ay u dhashay Howard Muya. Waxay magan gashay isbitaal ku yaalla Nairobi.

Hadalsame Media