Nin xabad sigaar ah dartii loogu diley magaalada London + Sawirro

0

(London) 11 Feb 2019 – Nin lagu sheegay ‘nin qoys oo aad u wanaagsanaa’ ayaa toorreey lagu diley koonfurta London, wax lagu sheegay muran ka dhashay sigaar.

Dennis Anderson, 39 jir, ayaa ku dhintay East Dulwich saacadihii hore ee Axaddii shalay, markii ay koox gaangiistarro ihi ku heleen meel u dhow goob wax laga iibsado.

Ninkan oo ay saaxiibadii ku sheegeen rinjiile iyo guryo qurxiye ayaa la sheegay inuu qoyskiisa ku dadaali jirey gaar ahaan gabar uu dhalay oo foodleey ah, isla markaana aanu wax dagaal ah xitaa geli jirin.

Mr Anderson oo ka yimid xaflad ay saaxiibadii dhiganayeen ayaa la sheegay in la waydiistey xabad sigaar ah kaddibna ay doodi ka dhalatay, taasoo keentay in la weeraro oo middi lagu dilo, weliba waxaa dilka sameeyay hal nin.

Hadalsame Media