DIL & DIGASHO: Man City oo ciyaarta kaddib Chelsea digasho & raalli gelin siisay & laacibiinta Chelsea oo sameeyay arrin laga xumaaday + Muuqaal & Sawirro

0

(Manchester) 11 Feb 2019 – Macallinka Manchester City ayaa raalli geliyay kooxda Chelsea kaddib markii ay daaree heesta astaanta u ah naadigan ka dhisan galbeedka London ee ‘One Step Beyond’ isla markii ay dhamaatay ciyaartii ay nus dersinka laqsiiyeen.

Kooxda Pep Guardiola ayaa markii ay laba cad ka dhigtay Blues si ay ugu soo laabtaan hoggaanka Premier League ay taageerayaasha Chelsea kusii dhega barjeeyeen heesta Madness and One Step Beyond, oo astaan u ah kooxda Stamford Bridge.

Howlwadeennada City ayaa markiiba heesta jaray iyagoo la soo degdegey raalli gelin ay siinayeen taageerayaasha booqashada ku yimi, wax ay dadka qaar u fahmeen digasho cad.

Heestan ayaa badanaa si shaafeertan ah looga daaraa gegada  Chelsea ee Stamford Bridge marka maqalkeeda kaddib 6-0 waxay dhadhan qaraar ah ku reebtay afafka reer Blues.

Dhanka kale, laacibiinta Chelsea yaa sameeyay arrin kale oo aan khalad ahayn sharci ahaan balse dareen ahaan aysan jeclaysanin jamaahiirta Chelsea oo ah inay ciyaarta kaddib iyagoo faraxsan ay funaanadaha ka bedelanayeen xiddigaha City, taas oo loo arkay yaraysi ku aaddan qarada guuldarrada dhacday.


Hadalsame Media