XEERKA FACEBOOK: Qodobbada ka XIRAN & kuwa u FURAN doodaha Facebook (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 10 Feb 2019 – Waxay Soomaalidu ka mid tahay umadda ugu badan ee maanta adeegsata baraha bulshada, balse waxaa ka taagan is dar dar, nidaam xumo iyo ixtiraam darro baahsan, kuwaasoo keena inay kala go’aan ama is dagaalaan dad aan abidkood filim iska daawan.

Haddaba, Hadalsame Media, ayaa isku dayay inuu bal hab-raac asaas laga dhigto u sameeyay xeerka asluubaysan ee FACEBOOK ee hoos ka akhri:

KAA XIRAN:

1 – Waxaa mamnuuc ah inaad qof si shakhsi ugu gefto, u caaydo, u xukmiso ama u xagxagato.

2 – Waxaa sidoo kale mamnuuc ah inaad qabiil Soomaaliyeed u gefto amaba aad ka hadasho arrimo qabiil iyo qabyaalad, weliba tani waxay khuseeysaa dadka isku walaaqa siyaasi iyo qabiilkiisa ama qabiilka qofka ka hadlaya siyaasigaasi iyo xitaa maamullada.

KUU FURAN:

1 – Inaad ra’yi kasta dhaliisho haddii aad hayso mid kaala toosan, adigoon caaytamin, qabyaaladaynin ama iska qiiroon.

2 – Inaad dhaliisho siyaasigii iyo maamulkii aad doonto, mid dhexe iyo mid gobolba, inaad dhaliishaada ku salayso qiimayn moowduuci ah iyo run waa muhim dabcan, waayo ma qurxoona inaad been abuur iyo nin jeclaysi ama necbaysi u adeegsato dhaliishaada.

GO’AANKA ADIGAA LEH!

Qofkii labadaa dambe kugu maaga isagoo haraahiraya u naseexee oo u dulqaado, haddii uu diidana liiska argagixisada ku dar yacni iska xir warkiisa, waa miskiin aan dantiisa iyo waxa uu ka hadlayo aqoone.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments