Madaxwaynaha Uganda oo wiilkiisa u dallacsiiyay Sarreeye Gaas

0

(Kampala) 09 Feb 2019 – Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay Yoweri Museveni, ayaa loo dallacsiiyay inuu noqdo Sarreeye Gaas, oo ah xilka 2-aad ee haatan ugu sarreeya dalka Uganda oo idil.

Lt-Gen Kainerugaba ayaa ka mid ah 2,000 oo saraakiil millateri ah oo shalay la dallacsiiyay, sida ku cad liis ay shalay soo saareen Xoogga dalkaasi ee UPDF.

Ninkan 44-jirka ah oo ah curadka Museveni ayaa aabbihii xilliyadii dambe ugu magacoownaa La Taliyaha Gaarka ah ee Howlgallada Gaarka ah.

Wuxuu horay u ahaa Madaxa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee koofiyo casta oo ah ciidamo u xil saaran ilaalinta Madaxwaynaha.

Hadalsame Media