Waa ayo macallinka ay wax ka bartaan Sarri & Guardiola? + Sawirro

0

(London) 08 Feb 2019 – Maurizio Sarri ayaa sheegay in isaga iyo Pep Guardiola “ay wax ka bartaan Arrigo Sacchi” isagoo sheegay habeen ay wada casheeyeen bishii Juun.

Macallinka Chelsea oo hadlayay kahor isla kulanka uu la leeyahay kooxda uu Guardiola layliyo ee Manchester City oo ay la ciyaarayaan Axadda, ayuu ka hadlay xiriirka dhow ee uu la leeyahay Guardiola.

“Waxaan leennahay xiriir aad u wanaagsan, aad iyo aad. Caadiyan xilliyada xagaaga waan wada cashaynaa,” ayuu yiri Sarri.

“Waxaan had iyo goor wax ka baranaa Arrigo Sacchi, maxaa wacay Arrigo waa nin ay xiise badan tahay inaad la hadasho. Aniga iyo Guardiola waxaan nahay carruurta Sacchi, waayo isagaa noo bilaabay.” ayuu raaciyay.

Waxaa jira sawir ka marqaati ah warka Sarri oo muujinaya mar ay ku wada casheeynayeen Perla Verde Hotel oo ku yaalla Milano Marittima, bishii Juun.

Guardiola ayaa si wanaagsan ugu hadla af Talyaaniga maadaama uu usoo ciyaaray Brescia iyo Roma.

“Wax iska dhacay maaha in laacibiintii ay soo layliyeen  Sacchi iyo Cruijff ay iminka macallimiin noqdeen, maxaa yeelay maskaxda ayaa loo furay, waxay na jeclaysiiyeen kubadda cagta,” ayuu Guardiola ka sheegay Festival dello Sport event.

Ancelotti ayaa isna ka hadlay sida uu uga hoos shaqeeyay macallin Sacchi xilligii uu u dheelayay Grande Milan sanadihii 1980-meeyadii.

“Dhanka farsamada, Sacchi wuxuu ahaa muhim. Awal tababarradu waxay ahaan jireen 20 daqiiqo oo is kululayn ah, nus saac kala bax ah iyo 10 daqiiqo oo toog barasho ah.” ayuu yiri Ancelotti.

“Sacchi wuxuu keenay wax gebi ahaanba cusub, marka aannu kooxda kale cadaadinayno oo aannu kubadaha ka dafeeyno iyo weerarrada rogaal celiska ah ee deg degta ihi waxay ahaayeen kuwo xitaa daafacyada oo awal iska taagnaan jirey ka shaqaysiiyay.” ayuu gocday.

Hadalsame Media