DAAWO: Nin aan laga aqoon Bruce Lee oo kasoo baxay Afghanstan & dhibaato haysata! (Ogoow sababta)

0

(Kabul) 08 Feb 2019 – Wiil aad ugu eg aabihii feerka difaacu nafsiga (Kung Fu) ee Bruce Lee oo kasoo baxay dalkaasi Afghanstan, ayay dhibaato ka haysataa kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi.

Dadka ayaa jidadka Kabul ku istaajiya si ay sawirro ula galaan Abbas Alizada oo ku magac dheer “Afghan Bruce Lee” oo sidaa ku mutay sida uu ugu egyahay Mr Lee.

Ninkan ayaa caan ka ah baraha bulshada dalkaasi, waxayna ku qaadatay muddo sanad ah inuu tababarto jir ahaan si uu aad ugu sii ekaado jilaagii Shiinayska ahaa.

Arrintaasi qayb ahaan way u shaqaysay Abbas oo maanta dhiirri geliye dhanka jirdhiska ah u ah dhallinta dalkaasi.

Yeelkeede, taasi waxay ugu timid qiime aad u badan, waayo wuxuu halis amaan ka wajahayaa kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi oo uu dil ugu xukuman yahay, waana inuu dhinacyada eegaa mar kasta oo uu hoygiisa ka baxayo.

Hoos ka daawo barnaamij laga sameeyay…

Hadalsame Media